Heemaal News Network

Qodista Godka Labaad Ee Dunida Ugu Dheer Oo la soo Gebagebeyey

Shiinaha ayaa ku dhawaaqay in la soo gebagebeeyey qodista godka labaad ee Dunida ugu dheeraa kaasoo hoos u qodan 10, kun oo Mitir ama 10km.

Godkan oo laga sameeyey Waqooyi Bari Shiinaha, waxa qodistiisa la bilaabay May 2023-kii, waxaana loogu tala galay in lagu ogaado Taariikhda dhulka, is beddelka Cimilada ee ka dhaca qaybaha hoose ee dhulka iyo aqoonta ku duugan qaybaha aan la gaatin ee dhulka hoostiisa

Talaabadan ayaa loogu tala galay inay Saynisyahannada ka caawiso dhinaca Cilmi baarista ee la xiriirta in waxyaabo cusub laga ogaado sirta ku aasan dhulka hoostiisa.

Arrimaha loogu tegay godkan uu Shiinuhu qoday waxa ka mid ah dhagax la ogaaday inay da’diisu tahay 500 oo Milyan oo Sano iyadoo weli la sii wado daah qaadista arrimihii halkaas laga ogaaday

Sannadkii 1989kii ayay ahayd markii dawladdii Soofiyeedku ay dalka Ruushka ka qoday godka ilaa hadda dunida ugu dheer kaasoo hoos u qodan 12-kun oo km

Waxaa la joojiyey in godkan hoos la sii qodo markii shaqaalihii qodayey ay u adkeysan waayeen heerkulka dhulka hoostiisa oo aad sareeyey kaasoo gaaray heer uu dhalaaliyo mashiinadii wax lagu qodayey.