Qorshahan muhiimka ah oo u taagan in la xoojiyo awoodda hey’addaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadda loona abuuro jawi xasilloon ayaa u oggolaanaya shacabka Soomaaliyeed inay si nabad ah ugu noolaadaan, ugana qeyb-qaataan horumarka dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa sidoo kale ku booriyey Wasaaradda amniga iyo hey’addaha kale ee ku shaqada leh inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinta qorshahan.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ay dowladda Federaalku la leedahay maamul-goboleedyada, hey’addaha caalamiga ah, iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo guusha qorshahan.