Heemaal News Network

R/Wasaare Hore Suudaan iyo Xubno kale Oo la Amray in Lasoo Xiro iyo Xukun Dil ah…

Xafiiska Dacwad-oogaha guud ee dalka Sudan waxa uu soo saaray amar lagu soo xirayo Ra’isul-wasaare hore Cabdalla Xamduuk Al-Kinani iyo tobaneeyo qof oo ka tirsan isbahaysiga Takhadum ee xooggaga Dimuqraadiyada Rayidka ee uu Xamduuk hoggaamiyo.

Bayaan laga baahiyey telefishinka qaranka ee Sudan ayaa lagu shaaciyey in Cabdalla Xamduuk iyo 17 kale oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo suxufiyiin dibedda ku nool, kuwaasi oo lagu eedeynayo carqaladeynta dastuurka Sudan iyo hurinta dagaal ka dhan ah dowladda Sudan .

Eedeymaha lagu soo oogay Ra’sul Wasaarihii hore ee dalka Sudan iyo xubnaha kale ee xisbigiisa katirsan waxay ku muteysan karaan ilaa xukun dil ah, sida uu baahiyey telefishinka qaranka ee Sudan.

Ra’isul Wasaare hore Cabdalla Xamduuk oo 68 jir ah waxa uu soo noqday Ra’isul-wasaarihii 15-aad ee dalka Sudan muddadii u dhexeysay sannadkii 2019-kii, ilaa October ee sannadkii 2021-kii.

Waxaana mar kale xilkaasi loo soo doortay bishii November ee sannadkii 2022-kii ilaa bishii January 2-dii ee sanadkii 2022-kii, waxa iska casilay xilkaasi isla bishii January ee 2022-kii, wuxuuna u baxsaday caasimada dalka Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi.

Dhanka kale, Isbahaysiga Siyaasadeed ee Takhadum waxaa xubno ka ah xooggaga siyaasadda, rayidka iyo xirfadlayaasha, waxayna sannadkii hore ee 2023-kii heshiis la gaareen ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF sidii xal nabadeed loogu dhamayn lahaa dagaalka u dhexeeya ciiddanka u daacadda ah dowladda Sudan iyo kuwa RSF ee uu hoggaamiyo Jeneral Maxamed Xamdaan Dagolo.

Dagaalkaasi lagu riiqmay ayaa waxa uu dalka Sudan ka bilowday bishii April 15-dii ee sanadkii hore ee 2023-kii, iyadoo tobanaan kun lagu dilay, halka ay malaayiin kale u qaxeen dalalka deriska ama ay ku barakaceen gudaha dalkaasi.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweynihii Hore Ee Sudan Cumar Al-Bashiir Laga Saaray Goobtii Lagu Hayay

Heemaaln