Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa hoygiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Mudane Dileita Maxamed Dileita oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimada ay leedahay iskaashiga labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iyo ka shaqeynta wax wada qabsi wadajir ah, taas oo Gobolka u horseedi karta horumar, is ixtiraam, amni, nabad iyo xasillooni waarta, isagoo uga mahadceliyey walaalaha Jabuuti garab istaagga iyo dadaalka dowlada Jabuuti ay ku bixisay dawlad-dhiska Soomaaliya.
Mudane Dileita Maxamed ayaa dhankiisa uga mahadceliyey shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxaana uu ku bogaadiyey dowladda Federaalka ee Soomaaliya guulaha taariikhiga ah ee ay ku tallaabsatay labadii sano ee u dambeysay.