Heemaal News Network

R.Wasaare Xamse Oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay ka Hortagga Dhibaato soo Korortay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey qorshaha Qaran ee hortagga dhibaatooyinka ay dalkeenna ku sababeen Isbeddelka Cimillada Adduunka.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira saameynta kala duwan ee isbeddelka cimilladu ay ku yeelatay dalkeenna iyo heerka uu marayo qorshaha dalka ee la qabsiga isbeddelka cimillada.

Waxaa si gaar ah looga hadlay qorshaha qaran ee dhimista dikhowga hawada, taasi oo hoos loogu dhigayo walxaha hawada wasakheeya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adkeysiga khataraha ka dhasha isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in isbeddelka cimilladu uu saameyn toos ah ku yeeshay Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddello ballaaran laga dareemayey, waxaana uu faray hey’adaha dowladda inay qorshooyin cadcad ka soo gudbiyaan meelaha ugu daran ee u baahan maalgelinta isbeddelka cimillada.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Puntland Oo Shacabka Uga Digtay Taageerista Wasiirka Cusub Ee Arimaha Gudaha Somaliya

Heemaaln

Xasan Sheikh: “Haddii Itoobiya ay ku Dhaqaaqdo Heshiiska Badda, Somaliya way Iska Caabin Doontaa..”

Heemaaln

Xassan Sheekh: Itoobiya Waan La Dagaalamaynaa, Ciidamadooduna Dalka Joogana Kama Maarano

Heemaal