Ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska, Boris Johnson ayaa daah-qaaday mar uu sannadkii 2017 uu xafiiskiisa ku qaabbilay Netanyahu, marka kulanka dhammaaday inuu Netanyahu ka codsaday inuu musqushiisa adeegsan karo, balse markaa kaddib waxaa laga helay oo ay oggaadeen kooxda amniga in musqusha uu ku dhajiyay Netanyahu qalab awood u leh in wax lagu dhageysan karo oo lala socon karo wada-hadal kasta oo xafiiska ka dhaca.
Isla sannadkaa sidoo kale Netanyahu ayaa Aqalka Cad ee Mareykanka ku xiray qalabkaa oo kale , tani waa wax u dhigma meel kasta oo uu tagayo inuu Netanayahu ku xiro qalab uu kala soconayo kulamada ka dhacaya xafiisyada.