Heemaal News Network

Ra’iisul wasaaraha Lubnaan Oo Booqasho ku Tagay Magaalada Dimishiq Lana Kulmay

Ra’iisul wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, halkaa oo uu kula kulmay hoggaamiyaha Suuriya, Axmed Al Sharac, iyadoo booqashadan ay noqonayso middii u horreyso oo ra’iisul wasaaraha Lubnaan uu ku tagayo dalka Suuriya tan iyo 2010.

Labada hoggaamiye ayaa wada-hadal gaar ah oo ay yeesheen waxay xaqiijiyeen sida ay u doonayaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dariska ah.

Mikati, oo tagay Ankara toddobaadyo kaddib markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-assad ayaa soo bandhigay sida uu ugu qanacsanyahay isbeddelka ka dhacay Suuriya , markaa oo uu ku sheegay inay Lubnaan furi doonto baal-cusub oo iskaashi ay la yeelanayso xukuumadda Dimishiq.