Heemaal News Network

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Oo Guul Taariikhi ah ka Sheegtay Dagaalkii India ay la Galeen

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Mohamed shahbaz Sharrif ayaa guul taariikhi ah ka sheegtay dagaalkii dhowrka maalkood socday ee ay Pakistan la galeen, waxaana halkaan kusoo gudbin doonaa sadaxdii qodob ee ugu muhiimsanaa ee uu ka hadlay.

1-Hindiya waxay nagu soo qaadeen dagaal aan wax loogu soo gabado laheyn, balse guusha dagaalka anaga ayaa gaarnay.

2-Waxaan si guud u burburinay saldhigyada cadwoga ha ahaadaan kuwa hawada ama kuwa Milatari, sidoo kale waxaan kasoo ridnay dhowr xabo oo diyaaradaha Rafale.

3-Ciidankeena waa halyeeyo waxayna si geesinimo leh u wajaheen cadowga, ayagoona fashiliyay isku day kasta oo ay Hindiya ku dooneysay iney noogu soo xadgudubto.

DHAMMAAD.