Heemaal News Network

R/Wasaraha Pakistan Oo Iskugu-yeeray Guddiga Amniga Qaranka kadib Xiisada Hindiya

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa u yeeray guddiga amniga qaranka subaxnimadii berri ah, si ay uga jawaabaan tallaabadan ay Hindiya hoos ugu dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed oo ay ku cayrisay u qeybsanihii milatariga ee safaaradda Pakistan ay ku leedahay Hindiya.

Dhanka kale, xukuumadda Modi ayaa balamisay kulan dhammaan xisbiyada ay leeyihiin berri, oo uu guddoominayo Wasiirka Difaaca Hindiya,Rajnath Singh.

Labada dal ayaa xiisad ka dhex qaraxday, markii Hindiya ay ku eedeysay Pakistan inay wax ka ogeyd koox weerar lagu dilay 36 Hindiya ka fuliyay ka gobolka ay muslimiinta degganyihiin ee Kashmiir.