Heemaal News Network

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Oo Maanta la kulmay Madaxweynaha Turkiga, Erdoğa.,

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa maanta kula kulmay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, magaalada Istanbul. Kulankan ayaa waxaa wehlinayay wafdi ballaaran oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Taliyaha Ciidanka Milateriga iyo saraakiil sare oo kale.

Kulanka ayaa imaanaya iyadoo xiisad milatari ay ka dhex taagan tahay Pakistan iyo Hindiya, gaar ahaan marka la eego gobolka muranka badan ee Kashmir. Labada dal ayaa si isdaba joog ah u is-weydaarsanayay eedeymo iyo weerarro ciidan oo xuduudda ka dhacay, taasoo sare u qaaday cabsida dagaal buuxa.

Dowladda Pakistan ayaa wada xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee ay la leedahay Turkiga, iyadoo la rumeysan yahay in wadashaqeynta dhanka amniga iyo milateriga ay qeyb ka tahay istiraatiijiyadda difaaca ee Islamabad ay kaga hortagayso khataraha dibadda, gaar ahaan kuwa uga imaanaya Hindiya.