Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka mid ah Golahihiisa Wasiirada, iyadoo xubno cusub ku soo daray, waxaana Xukuumadda laga saaray laba wasiir oo muddo kamid ahaa Xukuumadda Dan Qaran.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Barre Maxamuud, iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Fardowsa Osman Cigaal, ayaa laga qaaday xilalkooda, waxaana loo magacaabay wasiirro cusub, waxaana muddo qeyb ay ka ahaayeen Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamse.
Saddex Wasiir ayaa la isku bedelay oo loo kala wareejiyay Wasaaradaha ay kala joogeen, halka labo wasiir xilka laga qaaday, sidoo kale waxaa Golaha lagu soo daray Wasiir kuxigeeno cusub oo qaarkood Xildhibaano ah, kuwa horay xilalkaas u haayayna waa laga qaaday.
Meelaha isbadalka ay indhaha soo jiiteen waxaa kamid ah xil kaqaadista Wasiirkii ugu mudda dheeraa ee Gaashandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo loo magacaabay wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda ee Soomaaliya.
Xubnahaan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ayaa kala ah sida ku Hoos ku xusan:-
1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga.
2. Md. Cabdiqaadir Maxamed Nuur – Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda..
3. Md. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) –Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
4. Md. Maxamed Faarax Nuux – Wasiirka wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada.
5. Md. Maxamed Cabdiqaadir Cali – Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha.
6
. Md. Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
7. Mw. Sahuur Xaaji Culusow Xasan – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.
8. Md. Sulub Axmed Firin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha.
9. Md. Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
10. Mw. Aamina Xuseen Cali – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada.
11. Md. Xuseen Cali Xaaji – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.
12. Mw. Fartuun Cabdiqaadir Faarax – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
13. Md. Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha.
14. Md. Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta.
15. Mw. Dahabo Suusow Muunye – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
16. Md. Cismaan Axmed Macow – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.