Heemaal News Network

Ra’iisul wasarihii hore Ee Pakistan Oo u Tartamaya jagada Gud. Jaamacada Oxford

Imran Khan, ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, ayaa u tartamaya jagada guddoomiyaha Jaamacadda Oxford oo ka mid ah jaamacadaha la tixgeliyo ee ugu sarreeya caalamka oo ku taalla Ingiriiska, waa la gudbiyay codsigaa, sida u sheegay kaaliyaha u dhow Sayed Zulfiqar Bukhari , oo intaa ku daray ; “Sida ku cad tilmaamaha Imran Khan, foomkiisa codsiga ah ee doorashada guddoomiyaha Jaamacadda Oxford 2024 waa la gudbiyay.. Waxaan rajeyneynaa in qof walba uu taageero ololaha taariikhi ah.”

Khan waxa uu soo ahaa hoggaamiyaha Pakistan laga soo billaabo 2018 ilaa April 2022, markaasoo Baarlamaanka ay kalsoonida kala noqdeen, wuxuu ku eedeeyay in ay qorsheeyeen militariga Pakistan ee awooda badan. Waa siyaasiga loogu jecelyahay Pakistan , wuxuu xabsiga ku jiray tan iyo bishii Agoosto ee la soo dhaafay , markaa oo dacwada kala duwan oo lagu eedeyay oo uu diidday, wuxuu taariikh ku sameeyay isagoo xabsiga ku jira in doorashadii u dambeysay ay ku guuleysteen kuraasta u badan xubnaha xisbigiisa.