Pakistan Oo ka Codsaday Trump inuu Kordhiyo Waqtiga Uu u Qabtay Iran,Iyo Mudaharaado ka Socda Iran

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa ka codsaday Trump inuu kordhiyo waqtiga kama dambaysta ah ee uu u qabtay Iiraan.

Shehbaz Sharif ayaa yidhi “Waxaan si daacadnimo leh uga codsanayaa Trump inuu laba toddobaad ku kordhiyo waqtiga kama dambaysta ah, sidoo kale waxaan ka codsanayaa Iiraaniyiinta inay furaan marin biyoodka Hormus muddadaas labada toddobaad ah.”

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in haddii caawa Trump ka dhabeeyo hanjabaadihiisa, ay adduunka tusi doonaan “surprise (yaab)” cusub, iyagoo ka jawaab celin doona meel ka baxsan gobolka.

Wakhtiga kama dambeysta ah ee Trump uu u qabtay Iiraan waxaa ka dhiman 5 saac iyo 20 daqiiqo.

Dhanka kale Dibadbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo Iiraan oo caawa ka socda magaalooyinka dalkaasi

Mareykanka ayaa laga cabsi qabanaa inuu weeraro ballaaran ku ekeeyo Iiraan oo maalmihii lasoo dhaafay u dirayay hanjabaado culus oo ku sheegayo inuu dhulka la simayo Iiraan.

Geeska afrika markii ay Saacada tahay 03:00 AM ee habeenimo ayuu ku egyahay xilliga kama dambeysta ah ee Donald Trump u qabtay kahor inay Iiraan heshiis aqbasho ama ay furto marin biyoodka Hormus.