Heemaal News Network

Ra’isul Wasaare Kuxigeenka dalka oo maanta is muujiyay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, si uu ugu kuurgalo shaqada ay Wasaaraddu u hayso dadweynaha Soomaaliyeed.

Saalax Axmed Jaamac ayaana xarunta Wasaaradda Qorsheynta kula kulmay wasiirka Wasaaradda, agaasimayaasha iyo madax qeybeedyo, waxa uuna ka dhageestay warbixonno khuseeya shaqooyinka wasaaradda ka socda, isagoona ku ammaanay masuuliyiinta Wasaaradda sida ay u shaqeenayaan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadad Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah furay bixinta ruqsadaha adeegga korontada oo ay soo agaasintay Wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya.

Dhaq dhaqaaqan uu maanta sameeyay Ra’isul Wasaare Kuxigeenka dalka ayaa u muuqda mid uu isku muujinayo, xilli la sheegay in uu khilaaf kala dhaxeeyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre, sidoo kale Saalax uu kasoo horjeedo qorshe lagu sameenayo Ra’isul Wasaare kuxigeen labaad.