Heemaal News Network

Ra’isul Wasaare Xamse Oo Doorasho Qof iyo Cod kala Hadlay James Swan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqeynta dowladda iyo hey’adaha Qaramada Midoobay, teegaarada qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo cod, hawlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSOM.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in dowladda tallaabooyinka muhiimka ah ee dowladdu u qaaday dhanka dimuqraadiyeynta, horumarka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee ku aaddan arrimaha gargaarka, amniga iyo geed-socodka nabadda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa beesha caalamka taageero uga raadineysa qabashada doorashada qof iyo cod oo ay si weyn u diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka, waxa ayna mucaaradka aaminsan yihiin in dowladda qorshaheeda yahay muddo kororsi.