Heemaal News Network

Ra’isul Wasaare Xamse oo wadahadal Xasaasi ah la yeeshay James Swan

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa ka hadlay weerarkii xalay ay ku qaadeen Israa’iil, xilli uu ku sugnaa magaalada Doxa ee dalka Qadar oo uu safar ku tagay maanta, waxuuna halkaasi ka sheegay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa dilkii madaxda Xamaas iyo Xisbulaah.

Madaxwaynaha oo arimahaasi ka hadlaya ayaa yiri “Waxaan uga jawaabi doonnaa si adag oo daran haddii Israa’iil ay na soo weerarto.”

Waxyar ka hor, ergayga Qaramada Midoobay ee Israa’iil, ayaa sheegay in jawaabta ay Israa’iil ka bixinayso weerarkii xalay ee Iran inuu noqonayo mid ka ballaaran nooc kasta oo weerar jawaab ah oo la filanayo.