Raysal wasaaraha Fransiiska Michel Banier, ayaa lagu wadaa inuu is casilo gelinka dambe ee manta, saacado un kadib markii ay dhacday dowladdiisa kadib markii ay weyday codka kalsoonida.
Dowladda Barnier ayaa dhacday kadib markii xildhibaanada ay u codeeyeen mooshin ka dhan ah raysal wasaaraha, keliya saddex bilood kadib markii uu xilkan u magacaabay madaxweyne Macron.
Raysal wasaaraha ayaa qaban doona howlo kale iyadoo madaxweyne Macron uu magacaabi doono raysal wasaare kale todobaadyada soo aaddan.
Codadkii ay xalay qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Fransiiska, ayaa ah kii ugu horreeyay oo lagu rido dowladda Fransiiska in ka badan 60 sano ka dib.
Khillaafkan ka dhashay muranka miisaaniyadda, ayaa sii hurinaya qalalaasaha siyaasadeed ee uu dalkaas wajahayo.