Raysal Wasaare Xamse Oo Caawa Gaaray Dalka Bahrain Oo Shirka Jamacada Carabta ka Furmayo May 15, 2024May 15, 2024 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Manama ee Dalka Bahrain, halkaas oo uu kaga qeyb galayo meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabanaysa, oo la xariirta qadiyadaha looga hadlayo shirka berri ka furmaya Magaalada Manama.