Heemaal News Network

Raysal Wasaare Xamse Oo Shaqadii ka Eryay Laba Wasiir, laba kalana Magacaabay

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi ayaa xilka qaadis ku sameeyay maanta laba wasiir oo ka tirsana Xukuumadiisa, islamarkaana magacaabay laba kale.

Labada wasiir ee xilka qaadista lagu sameeyay ayaa kala ah Wasiirkii Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Axmed Madoobe Nuunoow iyo Wasiirkii Wasaaradda Howlaha guud iyo guriyenta Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxman Sheekh Bashiir.

Raysal wasaare Xamse ayaa u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, halka Wasiirka Howlaha guud iyo guryenta uu u magacaabay Xildhibaan Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.

Xilka qaadista iyo magacaabista labada Wasiir ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo wali ay banaan yihiin boosaska saddex Wasaaradood oo ka mid ah Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Wasaaradaha wali ka banaan Xukuumadda Soomaaliya ayaa kala ah Wasaaraddaha arrimaha Dibadda, Amniga Gudaha iyo Wasaaradda Haweenka iyo Qoyska oo ay dhawaan ka geeriyootay Khadiijo Maxamed Diiriye, lamana oga sababta wali boosaskaasi loo magacaabi la’yahay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xildhibaan Bidhaan” “Cadowgeena Koobaad Ee soo Jireenka ah waa Itoobiya”.

Heemaal

Somaliya Oo ku Eedeysay Itoobiya Marin Habaabinta Xadgudubka ay ku Hayso Dhulka Somaliyeed

Heemaaln

Cali Xaamud Oo Madaxtooyada Xoog Looga soo Saaray Oo Faah faahiyay siday wax u Dhaceen

Heemaaln