Ciidanka Ruushka ayaa gantaallada ballistic ah ku weerarray bartamaha magaalada Sumy, xilli ay ku jireen dabaal degga ay ugu yeeraan Palm Sunday oo ay ku xusaan masiixiyeenta maalintii ay galeen Qudus.
Weerarkan, wuxuu dib usoo celiyay dhaleeceynta ka dhanka ah Trump ee gudaha Mareykanka, iyadoo siyaasiyiinta iyo fallanqeeyaasha Mareykanka ay ku sheegeen inuu Putin ku ‘ciyaarayo ’ Trump , kaasoo wax walba uga tanaasulaya Ruushka si loo joojiyo dagaalka Ukraine , balse Putin is arag kasta oo Mareykanka uu la yeesho wuxuu ka dambeysiinaya weerar uu ku qaado Ukraine.