Heemaal News Network

Ruushka Oo Beeniyey Warar laga Faafiyey Xaaska Bashar Al-Assad

Afhayeenka aqalka Kremlin -ka Ruushka Dmitry Peskov ayaa beeniyay inay wax furiin ah dalbatay xaaska Bashaar Al-assad ee Asma Assad.

Hadalkan ayaa waxaa baahiyey warbaahinta Turkiga, Ingiriiska iyo Carabta oo shaaciyey inay dalbatay furiin iyo inay ka baxdo Ruushka oo ay dib ugu laabato Ingiriiska.

Dmitry Peskov ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo la been abuuray oo aan waxba ka jirin wuxuuna xusay in Asad iyo xaaskiisa ay amaan ah ugu nool yihiin Moosko aysana jirin wax dhibaato ah oo ka dhex aloosan.

Asma Al-asad oo ah xaaska British-ka ah ee uu qabo madaxweynihii xilka laga tuuray Suuriya ee Bashaar Al-assad ayay warbaahintushaacisay inay dalbatay furiin , iyadoo doonaysa inay dib ugu laabato Ingiriiska, kaddib markii ay dhibsatay ku noolaashaha Ruushka, sida uu sheegay wargeyska ka soo baxa Ingiriiska ee Daily Mirror.

Haweenaydan oo mar reer galbeedka ugu yeeri jireen “Ubixii saxaraha” ayaa la sheegay inay maxkamadda ku taalla Ruushka u gudbisay doonisteeda inay hesho oggolaansho gaar ah oo ay uga baxayso Moscow , iyadoo saraakiisha Ruushka ay hadda qiimeynayaan codsigeeda, sida warbixinta lagu sheegay.

Asma Al-asad waxay u guurtay dalka Suuriya sannadkii 2000, waxayna guursatay Asad isla sannadkaas iyadoo 25 jir ah. Waxay u dhashay saddex carruur ah.

Haweenaydan waxay caan ku ahayd xirashada iyo in mar kasta lagu arko alaabo qaali ah, waxay u dhaqmaysay muddada uu Bashaar xilka hayay qof soo bandhigaya hodontinimada ay ku nooshahay, xilli gudaha Suuriya ay ka jiraan dhibaatooyin bani’aadanimo iyo burbur nololeed.