Ruushka ayaa gudaha Shiinaha ka hirgeliyay mashruuc sir ah oo lagu soo saarayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee riddada dheer , iyadoo shirkadaha Ruushka ay kaashanayaan khuburo Shiineys ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo xiganaysa sirdoonka Yurub iyo document-tiyo ay aragtay.
Diyaaradaha cusub ee Ruushka uu ku sameynayo gudaha Shiinaha ayaa awoodda inay ku duusho masaafo dhan 2,000 km , waxayna qaadi kartaa bambooyin iyo waxyaabaha qarxa oo culeyskooda ka badan yahay 50kg.