Heemaal News Network

Ruushka Oo Heshiis Dhinaca Dayaxgacmeedka la Galay 3 Dal Oo Galbeedka Afrika ah

Mali, Niger, iyo Burkina Faso ayaa ku dhawaaqay in ay iskaashi la galeen Ruushka si ay u helaan isgaarsiin iyo dayaxgacmeed.

Saddaxda dal ee galbeedka Afrika ee militerigu ka taliyo waxa uu culeys ka haystay sanado sidii ay uga adkaan lahaayeen kooxaha xagjiriinta, waxayna u wareegeen dhinaca Ruushka si ay taageero uga helaan.

Wasiiro ka socda saddaxda dal ayaa shalay madaxda hey’adda hawada sare Ruushka ee Roscosmos kula kulmay caasimadda Mali ee Bamako, waxayna ka wadahadleen sidii lagu hirgelin lahaa qorshaha.

Wasiirka maaliyadda Mali, Alousséni Sanou, ayaa sheegay in farsamadan ay kor u qaadeyso la socoshada xadka iyo ammaanka qaranka ee saddaxda dal. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ka caawineyso in ay la socdaan kana jawaabaan daadadka, abaaraha, dabka iyo waxyaabaha kale ee degdegga.

Dalalka Mali, Niger, iyo Burkina Faso ayaa sanadkii la soo dhaafay sameystay isbahaysi kaas oo ujeedkiisa hore ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga militeri balse markii dambe sii balaartay.