Ruushka Oo Shaaciyay Inuu ka Qayb-qaadanayo Bur-burinta Nukliyeerka Iran
Ruushka ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay burburinta Uranium-ka la kobciyay ee Iran oo u suuragelinaysa inay soo saarto bambooyin nukliyeerka, tallaabadan oo Ruushku uu ku sheegay inuu uga danleeyahay soo afjarida khilaafka Mareykanka iyo Iran.
Ruushka oo xulafo dhow la’ ah Iran ,wuxuu markii u horreysay isku muujinaya inuu dhex dhexaad ka yahay barnaamijka nukliyeerka Iran . Laakin, tani sidoo kale waxay ka marqaati kacaysa in khatar ku soo socota Iran laga hortagayo!