Ruushka ayaa xaqiijiyay in weerar loo adeegsaday gantaallada riddada dheer ee ATACMS oo Mareykanka uu soo saaro iyo gantaalka kale ee Ingiriiska iyo Faraniiska ay soo saaraan ee Storm Shadows oo ay weheliyaan boqollaal diyaaradaha aan duuliyaha lahayn in lagu beegsaday warshad kiimikada oo ku taal koonfurta Ruushka, sida uu sheegay telefishinka dawladda Ruushka ee RT.
Wasaaradda difaaca Ruushka, ayaa dhankeeda sheegtay in nidaamyada difaaca ay qabteen tiro gantaallada riddada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay ku weerartay gudaha Ruushka.
Weerarkan oo noqonaya mid baaxad weyn ayaa lagu aadiyay xilliga Moscow uu ka socda shirka jaraa’id ee sannad laha ah ee madaxweynaha Ruushka.