Heemaal News Network

RW Abaiye Ahmed Oo Magacaabay Wasiirka cusub Ee Arrimaha Dibadda Itoobiya

Raii’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya u magacaabay Dr Gideon Timothy, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada.

Wasiirka loo magacaabay Wasaarada Arrimaha Dibadda, Gideon Timothy ayaa ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dalka Itoobiya.

Gideon ayaa ra’iisul wasaare Abiy u magacaabay inuu hoggaamiyo wasaaraddaasi kadib magacaabistii danjire Taye Atsik Selassie loo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya.

Magacaabidda Dr Gideon ayaa ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay xiisad kala dhaxeeyso qaar ka mid ah dalalka dariska.

Taye Atsik Selassie ayaa sanado badan horey u ahaa Safiirka Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay, intaasi kadin-ba waxa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda, kaasoo mudooyinkii u denbeeyay si wayn ugu howlanaa wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa ugu denbayntii 7 bishan uu Taye Asqasillase loo magacabay madaxwaynaha Itoobiya.

Ma aha isbadalkii ugu horeeyay ee uu rai’sul wasaare abiy sameeyo mudooyiinkii u dambeeyay, balse waxa xusid mudan in Xilka madaxwaynaha dalka Itoobiya uu yahay mid aan awood badan lahayn islamarkana waxaa awoodda ugu badan leh rai’sul wasaaraha dalka.

Sahle-Work Zewde oo ahayd madaxynihii dhawaan xilka ak dagtay ayaa la sheegay in ay isku dhaceen rai’sul wasaare abiy Axmed.