Heemaal News Network

RW India Oo ku Dhawaaqay Dagaal ka Dhan ah Pakistan

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ayaa sheegay in ciidamada milatariga Hindiya uu fasax buuxa u siiyay iney ka jawaabaan weerarkii Bahalgam oo uu ku eedeeyey iney ka dambeyso Pakistan.

Hadalkan ayaa yimid dib markii uu kulan saacado qaatey la yeeshay Saraakiishiisa difaaca, tani ayaa ka dhigan in saacad kasta uu dagaal ka dhex bilaaban karo labada dal.

Weerarkii Bahalgam horaantii todobaadkan ka dhacay ayaa lagu sheegay kii ugu dhimashada badnaa mudo tobanaan sano ah, Hindiya waxay ku eedeysay weerarkaasi kooxaha ay taageerto Pakistan.

Dhanka kale dowlada Pakistan ayaa beenisay in ay lug ku leedahay weerarka, iyadoo weerarkaasi ku tilmaamtey “hawlgal been abuura” oo Hindiya ay ka dambeyso si ay xiisad u kiciso.

Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa sheegay in Hindiya ay qorsheynayso iney weerar milatari kusoo qaado Pakistan, waxaana heegan buuxa la galiyay Ciidamada milatariga Pakistan.

Xiisadda u dhaxeysa labada Wadan ee ku gaashaman hubka nukliyeerka ayaa cirka isku shareertay iyadoo ay socdaan israsaaseyn joogto ah oo ka dhacaysa xadka, diblomaasiyiin caalami ah ayaa ka digaya in xiisadu ay horseedi karto dagaal buuxa oo ka dhexqarxa Pakistan iyo Hindiya.