Heemaal News Network

RW Israa’iil, Netanyahu Oo Mar kale Eedeeyay Maamulka Biden

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Netanyahu ayaa hadal muuqaal oo barihiisa bulshada uu ku baahiyay, wuxuu mar kale eedeyay maamulka Biden.

“Waxaan u sheegay Blinken inay tahay wax aan la qaadan karin in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, maamulka uu ka xayiray hubka iyo rasaasta Israa’iil… Intii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka, Churchill (Ra’iisul wasaarihii hore ee Ingiriiska) wuxuu u sheegay Maraykanka, na sii qalabka, waanu qaban doonaa shaqada… waxaanan leeyahay, na sii qalabka, waxaanu ku dhamayn doonaa shaqada si degdeg ah.”

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karine Jean Pierre ayaa si deg deg ah uga jawaabtay hadalka Netanyahu; “ Runtii ma naqaano waxa uu ka hadlayo. Waxaa jira hal shixnad oo hakad la geliyay, wax walbana waa socdaan.”