Netanyahu ayaa hadda la filayaa inuu la tashi ku saabsan dagaalka Qasa la yeesho koox yar oo wasiirro ah, oo ay ku jiraan wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant iyo wasiirka istiraatijiyadda Ron Dermer, kuwaas oo ka mid ahaa golaha wasiirrada dagaalka.
Go’aanka uu Netanyahu ku kala diray Golaha dagaalka ayaa dharbaxo ku ah kooxda midigta fog oo ay ka mid yihiin Wasiirka amniga iyo maaliyadda oo riixayay in la ballaariyo iyo sii socoshada dagaalka Qasa.