Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo ku boorriyey in ay gacan ka geysato dadaallada xukuumadda #DanQaran ee la xiriira horumarinta iyo dimuqraadiyeynta dalka.
Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Sweden, Anders Hall, ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga iyo caddaalada, gaar ahaan dadaalladeeda la xiriira ciribtirka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo Soomaaaliya xasilloon oo ka caaggan argagixiso.