Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u ansixisay heshiis iskaashi amni oo ay la gashay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya (NISA), si wadajir ah loola dagaallamo argagixisada iyo maalgelinteeda.
Ansixinta heshiiskan ayaa ka dhacday kulanka golaha wasiirrada Sacuudiga oo uu guddoomiyay Boqor Salman Bin Abdulaziz, laguna qabtay magaalada Jeddah Talaadadii, 20-ka May.
Heshiiskan waxa uu dhaxalgal u yahay iskaashi dhexmaraya Waaxda Amniga Madaxtooyada Sacuudiga iyo hay’adda NISA, taasoo calaamad u ah horumar weyn oo lagu xoojinayo xiriirka amni ee labada dal.
Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada Sacuudiga waxa ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda istiraatiijiga ah ee heshiiskan uu u leeyahay taageeridda dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah Al shabaab iyo ISIS, kuwaasoo weli khatar weyn ku haya xasilloonida gobolka.
Tallaabadan ayaa daba socota heshiis difaac oo toddobaadkii hore ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Sacuudiga, taasoo muujinaysa xiriirka sii xoogeysanaya ee amni iyo diblomaasiyadeed ee labada dal.
Falanqeeyayaasha amniga gobolka ayaa heshiisyadan ku tilmaamay iskaashi istiraatiiji ah oo kor u qaadaya awoodda labada dal ee la dagaallanka argagixisada, isla markaana ka qayb qaadanaya dadaallada amni ee gobolka iyo caalamka.
Heshiisyadan ayaa loo arkaa qayb ka mid ah dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo xiriirka laba-geesoodka ah, iyadoo Soomaaliya ay sii wadayso raadinta taageero caalami ah si ay ula tacaasho kooxaha xagjirka ah ee ka hawlgala gudaha dalka.