Heemaal News Network

Sacuudiga Oo Dadkii Ugu Badnaa Xukun Dil ah ku fuliyey.

Hal sano gudihiis, Saudi Arabia waxay seef qoorta kaga jartay in ka badan 100 Maxbuus oo ajnabi ah

Qoor-goyntii ugu dambaysay waxay dhacday sabtidii hadda ahayd. Waxaana lagu fuliyey Muwaaddin u dhashay Yemen. Sidaa waxaa sheegay saxaafadda Boqortooyada Saudi Arabia.

Dilkan wuxuu 101 ka dhigayaa tirada dadka shisheeyaha ah ee lagu qoor-gooyey Saudi Arabia.

Waa saddex-jibbaar marka loo eego tiradii la qoor-gooyey sanadkii 2022.

Jeed Basyouni oo u dhaqdhaqaaqa in dilka laga joojiyo Saudi Arabia, ayaa ku doodaya in xitaa marka lagu daro dadka u dhashay Sacuudiga ee sanadkan la dilay ay gaarayaan 300 qof. Dadka la dilayo waxa ugu badan ee lagu xukumo waa haysashada iyo ka-ganacsiga Mukhaaradaadka.

274 qof baa hadda sugaya, in la dilo. Dadka Ajaanibta ah ee dhawaan qoorta laga jaray waxay u kala dhasheen 21 Pakistan ahaa, 20 Yemen ka soo jeeday, 14 qof waxay ahaayeen Syria, 10 qof waxay ahaayeen Nigeria, 9 qof waxay ahaayeen Masar, 8 qof waxay ahaayeen Jordan iyo 7 qof oo Xabashi ahaa.

Waxaa kale oo jiray 3 qof oo u kala dhashay Sudan, India, iyo Afghanistan. 1 qof oo Sri Lanka ahaa, 1 qof oo Eritrea ahaa iyo qof reer Philippines ahaa.

Ugu yaraan 1,115 qof ayaa qoorta laga jiray kuwaasoo uu amarkooda bixiyey intii uu talada hayey Boqor Salmaan oo ahayd 21 June 2017 ilaa 9 October 2024.