Heemaal News Network

Sacuudiga Oo ka Digay In Ukraine Lagu Wareejiyo Lacagta Laga Xanibay Ruushka

Boqortooyadda Sacuudiga, ayaa qaaday tallaabadii u horreysay ee ay ku joojinayso taageerrada waddamada Yurub ee Ukraine, iyadoo Boqortooyadda ay uga digtay dalalka G7 inay qaataan go’aan lacagaha laga xannibay Ruushka hab deyn ah ugu wareejinayaan Ukraine, sida ay soo bandhigtay Bloomberg.

Wasaaradda maaliyadda Sacuudiga ayaa sheegtay inay digniintan la wadaagtay wasaaradaha dhiggeeda ah ee dalalka G-7.
o