Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmiya maanta looga furay dukaankii u horreeyay ee lagu iibinayo maandooriyaha khamriga.
Ka ganacsiga iyo isticmaalka khamriga ayaa mamnuuc ka ahaa gudaha boqortooyada Sacuudiga balse talaabadan ay qaaday Boqortooyadu ayaa soo afjareysa arintaasi.
Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa mudooyinkii u danbeeyay samaynayey isbedelo uu ku fasaxayo waxyaabo badan oo mamnuuc ka ahaa Boqortooyada.