Heemaal News Network

Sacuudiga Oo Xirxiray Ddad kaararka Xajka Oo Been abuur ah

Dowladda Sacuudiga ayaa xirxirtay 14 qof oo kasoo jeeda dalalka Hindiya, Masar, Pakistan, iyo Indonesia kuwaasoo loo heysto inay iibinayeen kaarar Xajka oo been abuur ah.

Xiritaankan ayaa qeyb ka ah howlgal ballaaran oo ciidamada ay ku sugayaan ammaanka.

Raggan ayaa lagu xirxiray Makah, waxayna iibinayeen dal ku gal booqasho ah. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale kala wareegay lacag, telefoonno iyo kumbiyuutarro.

Waxay arrintan daba socotaa 11 qof oo kae oo dhowaan loo xiray xayeysiinta inay dadka geynayaan Xajka taasoo been abuur ahayd.