Heemaal News Network

Saddex Sarkaal Oo ka tirsan Ciidamada Uganda Oo Maxkamad Loosoo Taagay Shil Diyaaradeed Oo ka Dhacay Somaliya

Saddex sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Uganda ayaa lagu eedeeyay dayacaad la xiriirta shil diyaaradeed oo militari oo ka dhacay Soomaaliya Sebtembar 2024.

Diyaaradan oo nooca Helicopter-ka ah oo ay la socdeen Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa waxay burburtay wax yar uun ka dib markii ay ka ambabaxday Magaalada Muqdisho, iyadoo ku sii jeedday Garoonka Balidoogle, oo 90km dhinaca Waqooyi Galbeed kaga beegan Caasimadda Soomaaliya.

Afar kamid ah nabad ilaaliyaasha ATMIS ee la socday diyaaraddaas ayay dhaawacyo soo gaareen.

Col. George Buga Andruga, 51, Maj. Benjamin Kashumbusha, 43, iyo Lt. Henry Gygenda, 38, ayaa ka soo hor muuqday Maxkamadda Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Makindye ee Kampala January 15, 2025.

Saraakiisha ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in ay si taxadar la’aan ah u daabuleen diyaaradda AU0-004. Haddii lagu helo dambiga, waxay mutaysan karaan ciqaab dil ah.

Saraakiisha la eedeeyay ayaa beeniyay in ay wax khalad ah sameeyeen intii ay socotay dhageysiga dacwadda oo uu guddoominayay Brig. Gen. Robert Freeman Mugabe.

Afhayeenka ciidamada Uganda Gen. Felix Kulayigye ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamada Uganda ay sameeyeen baaritaanno ay ku ogaanayaan in burburka diyaarada uu ka dhashay cillad farsamo, qalad bani’aadanimo, ama shirqool cadow.