Heemaal News Network

Safaarada Imaaraadka Ee Khartuum Oo la Duqeeyey.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si caro leh uga falcelisay Isniinta kadib markii la weeraray, oo si xun loo waxyeeleeyey guriga safiirka u fadhiya dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Sudan.

Dalkan Khaliijka ee qaniga ku ah saliidda, oo marar badan iska fogeeyey eedeymaha ah inay dagaalka ku lug leeyihiin, ayaa ku eedeeyey ciidamada qalabka sida ee Sudan inay ka dambeeyaan weerarka “foosha xun”.

Ciidamada Sudan ayaa beeniyay in ay fuliyeen weerarka, iyaga oo ku adkeystay in aysan bartilmaameedsan xarumaha diblomaasiyadeed.

Ciidamada ayaa Imaaraadka ku eedeeya inay taageeraan Jabhadda Dacmu Sariic ama RSF, oo ay la dagaallamayeen tan iyo April 2023, dagaalkaas ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, isla markaana dhaliyey masiibo bani’aadannimo oo aad u daran.

“Imaaraadka Carabta wuxuu si kulul u cambaareynayaa weerarkii foosha xumaa ee lagu beegsaday hoyga uu magaalada Khartoum ka degan yahay madaxa howlgalka Imaaraadka Carabta, oo ay geysatay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Sudan, kaasi oo burbur xooggan uu ka soo gaaray dhismaha,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay wakaaladda wararka rasmiga ah ee WAM.

“Imaaraadku wuxuu ugu baaqayaa ciidamada inay si buuxda u qaataan mas’uuliyadda falkan fulaynimada ah,” ayay raacisay, ayada oo ku qeexday “xadgudub qaawan oo ka dhan ah mabda’a aasaasiga ah ee lama taabtaanka ah ee xarumaha diblomaasiyadeed”.

Ciidamada Suudaan ayaa ku jawaabay “inay cambaareynayaan oo ay beeninayaan eedeynta” Imaaraatka Carabta, waxaynta intaas ku dareen in aysan “bartilmaameedsan xarumaha diblomaasiyadeed, hay’adaha Qaramada Midoobay ama hay’adaha mutadawiciinta ah, oo aysan u rogin saldhigyo ciidan, islamarkaana bililiqaysan hantidooda.”

“Cidda fulinaysa falalkan foosha xun ee fulaynimada ah waa argagixisada, Jabhadda (Dacmu Sariic)… oo in ay waxaas oo dhan ku kacaan ay ku taageeraan dalal laga yaqaan caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada.

Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan magaalada Khartoum, dagaallo culus ayaa afartii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacayay qeybo badan oo ka mid ah caasimadda, iyadoo dagaalka uu ahaa mid xooggan.

Bishii Juun, safiirka Suudaan u fadhiya Qaramada Midoobay Al-Harith Idriss al-Harith Mohamed ayaa Abu Dhabi ku eedeeyay in ay taageero dhaqaale iyo mid milatariba siiso Dacmu Sariic, isaga oo ku tilmaamay “sababta ugu weyn ee ka dambeysa dagaalkan daba dheeraaday”.

Imaaraadka Carabta ayaa beeniyey eedeymaha ah in ay taageeraan Dacmu Sariic, taasi oo ay ku tilmaameen “been abuur”, waxayna sheegeen in dadaalladooda ay si gaar ah diiradda u saarayaan sidii ay xaaladda u dejin lahaayeen iyo in la yareeyo dhibaatada bani’aadannimo ee Sudan.