Heemaal News Network

Safaaradda Somaliya Ee Washington Oo Heshiis la Gashay Shirkad Maraykan ah Oo ka Hortago Aqoonsiga Somaliland

Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa heshiis la saxiixatay mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee ka shaqeeya u qareemidda iyo u ololaynta Maraykanka, iyadoo ujeedku yahay in la taageero dadaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah aqoonsiga madax bannaanida Somaliland.

Warkan oo lagu daabacay joornaalka The Africa Report, ayaa lagu sheegay in shirkadda BGR ay qandaraas ku qaadatay muddo 12 bilood ah lacag dhan $600,000 si ay saamayn ugu yeelato go’aannada sharciyeed ee Maraykanka ee la xiriira arrinta aqoonsiga Somaliland.

Safaaradda Soomaaliya ayaa sheegtay in xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid istiraatiiji ah. “Waxaan sii wadeynaa inaan ka wada shaqeyno la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee amniga. Waxaan sidoo kale doonaynaa inaan ballaarinno iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka labada dhinacba,” ayay safaaraddu u sheegtay The Africa Report.

Heshiiskaan ayaa imanaya xilli dhowr ruug-caddaa oo ka tirsanaa Xisbiga Jamhuuriga ay gadaal ka riixayaan aqoonsiga Somaliland. Waxaana kamid ah, Tibor Nagy, oo hore u ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Afrika, iyo Peter Pham, oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Harooyinka Waaweyn.

Sidoo kale, toddobaadkii hore, Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kana mid ah Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka, ayaa soo bandhigay sharci Somaliland loogu aqoonsanayo dal madax bannaan.

Siyaasiyiinta u dhuundaloola arrimaha Geeska Afrika ayaa sheegay in tallaabadan Maraykanka uu uga gol leeyahay inuu uga hortago saameynta Shiinaha ee gobolka.