Midowga Afrika ayaa xaruntooda ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka cayriyey Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya, Abraham Nfus.
Talaabadan ayaa timid ka dib markii dalal dhowr ah ay diideen in ay ka qayb-galaan shir halkaasi ka socday haddii aan xarunta laga saarin Danjiraha Israel oo halkaas ku sugnaa.
Wasaaradda Arrimaha-dibedda ee Israa’iil ayaa sheegtey in ay ka xuntay tallaabadan, isla markaasna ay Midowga Afrika ka qaadayso tallaabooyin diblumaasiyadeed oo aysan sheegin nooca ay yihiin.
Abraham Nfus ayaa xarunta Midowga Afrika u tagay si uu goob uga noqdo shir halkaas uga socday wakiilada dalal afrikaan ah, hase ahatee qaar ka mid ah wakiilada dalalkaas ayaa diiday iney fariistaan shirka hadii aan laga saarin safiirka.
Danjiraha Israel oo dhawr cisho kahor la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya ayaa sheegay in Addis Ababa ay xaq u leedahay inay bad hesho.
Israel ayaa tuke cambaar leh ka noqotay fagaarayaasha caalamka intooda badan sababo la xiriira xasuuqa iyo gumaadka ay ciidankeedu ku hayaan shacabka reer Falastiin ee Gaza iyagoo sanad iyo dheeraad ah dilay dad ka badan 50 kun oo u badan haween iyo caruur.