Heemaal News Network

Safiirka Itoobiya u Magacawday Somaliland Oo war Cusub Sheegay

Dowladda Itoobiya ayaa safiir u magacawday Hargeysa si uu uga shaqeeyo safiirkaasi xoojinta xiriirka xilligan ka dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowladda Federaalka Itoobiya.

Madaxtooyada Itoobiya ayaana xaflad u sameesay safiirro dhawaan Madaxweynaha dalka Itoobiya, Sahlework Zewde, u magacwaday in ay wakiil uga noqdaan qaar kamid ah waddamada caalamka ay ku jirto maamulka Somaliland.

Safiirka cusub ee dawladda Itoobiya u soo magacowday Somaliland Teshome Shunde, oo ka hadlay xaflada loo sameeyay safiirada uu ku jiro ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Danjire Teshome Shunde, waxa uu sheegay in ay maamulka Somaliland wadaagaan xudduud isla markaana uu ka shaqeyn doono xiriirka dhinaca ammaanka, ganacsiga iyo is-dhexgalka labada dhinac, sidoo kale uu ka shaqeyn doono cilaaqaadka labada shacab ee Itoobiya iyo Somaliland.

Dowladda Itoobiya ayaan safiir u magacwaday Somaliland tan iyo waxii ka dambeeyay markii heshiis dhinaca badda ah la galeen Somaliland, heshiiskaasi ayaana abuuray in ay isku soo dhawaadaan Somaliland iyo Itoobiya ,halka ay ku kala fogaadeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.