Heemaal News Network

Safiirka Somaliya Ee Masar Oo Arimo Muhiima kala Hadlay Dhigiisa Kuweyt.(Sawiro)

Safiirka Dawlada Fadaraalka Somaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa maanta booqasho ugu tagay Safiirka Kuweyt Danijre Ghanim Saqar Al-Ghanim.

Labada Danjire ayaa ka wada Hadley xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo hormarinta.

Sidoo kale,labada Danjire waxay isla soo qaadeen arrimaha kor u qaadista wada shaqaynta Carbeed.

Danjire Awaare ayaa ugu mahad celiyey Danjire Ghanim soo dhawaynta diirran iyo martigalinta wanaagsan.