Weerar ay ciidanka Suudaan ku qaadeen magaalada Nyala , ee gobolka Darfuur, iyadoo inta uu weerarka socday lagu qarxiyay diyaarad Imaaraadku soo diray oo saanad milatari u siday kooxda RSF.
Imaaraadka , wuxuu mar kasta diidaa inuu ku lug leeyahay dagaalka Suudaan, halka milatariga Suudaan ay si joogta ah ugu eedeeyaan Abu Dhabi inay taageerto kooxda RSF, balse hadda waa markii u horreysay oo Suudaan ay ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu weerar toos ah ka fuliyeen gudaha Suudaan, kaasoo burbur gaarsiiyay; dekedda, garoonka diyaaradaha iyo saldhigyo milatari oo ku yaalla magaalada Port Sudan.