Heemaal News Network

Safiirka U Fadhiya Itoobiya Ee Soomaliya Oo Raali Galin Ka Bixiyey Afalaagadii

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare ayaa raalli-galin buuxda ka bixiyay hadal gef ku ahaa madax-bannaanida Soomaaliya oo dhowaan uu jeediyay kadib wareysi uu siiyay warbaahinta dalkiisa.

Danjire Mukhtaar Maxamed Waare oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in si khaldan loo dhigay wareysigiisa ayada oo ujeedka uu yahay marin habaabin, balse wuxuu sheegay inuu raalli-galinayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Raali iga ahaada walaalahayga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wareysigii aan dhawaan siiyay warbaahinta gudaha (dalkeyga) – oo ahaa (sida loo dhigay) mid aan ku qanacsaneyn. Waxaan si kal iyo laab ah u raali-gelinayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedkiisu uusan ahayn inuu dhaawaco xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo hada ay u dhexeyso xiisad xooggan oo ka dhalatay heshiiska badda.

“Ereyadayda waa la marin habaabiyay, waligeyna uma aan jeedin inaan waxyeello xiriirkayaga (Soomaaliya iyo Itoobiya). Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer, waxaana iga go’an in aan safiir ahaan uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladaha walaalaha ah si loo xoojiyo iskaashiga.” ayuu markale yiri Mukhtaar.

Raali-galinta safiirka Itoobiya ayaa imaaneysa kadib markii dowladda federaalka ay cadaadis ku saartay inuu raali-gelin ka bixiyo gefkii uu kula kacay Soomaaliya.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Mukhtaar Maxamed Waare ayaa horay u taageeray xad-gudubka ay xukuumadda Abiy Axmed kula kacday Soomaaliya.

“Heshiiska aan la galnay Somaliland waa mid taariikhi ah oo xaqiijinaya dammaanadda dhaqaale iyo amni ee Itoobiya,” ayuu horay u yiri Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay wareysiga uu bixiya safiirka Itoobiya, oo uu ku taageeray heshiiskii Addis Ababa, oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, uuna sidoo kale sawir xun ka bixiyay caasimadda Muqdisho. Wuxuu wareysigiisa uu ku sheegay in Muqdisho ay tahay meeshii ugu liidatay amni ahaan ee uu kasoo shaqeeyay, islamarkaana aad ku dareemayn nafis amni, sida uu hadalka u dhigay.

“Anigu meesha aan ku dhashay, meesha aan ku koray iyo meelaha aan ka soo shaqeeyayba Soomaaliya waa goobta ugu dhibaatada badan. Ma ahan meel sidii aad doonto aad u dhaq-dhaqaaqi karto oo ma socon kartid ilaalo la’aan oo waxaad ku soconaysaa gaari aanay xabbdu karin. Daqiiqad walba waxa aad halis u tahay in lagu qarxiyo. Waa meel xaaladdeeda amnigu ay aad u liidato halka aan ku shaqeeyo,” ayuu yiri Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

Marka laga imaado sida uu Safiirka Itoobiya u dhigay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, waxaa xaqiiqo ah in amniga caasimada uu si weyn usoo reysanayo bilihii dambe, ayna shacabka dareemayaan xasilooni amni, oo ay ka reysteen arbushaadii iyo falalkii amni darro ee argagixisada.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Midowga Afrika Oo Isku Raacay in Somaliya ay Noqoto Dalka u Sharaxan kursiga Golaha Ammaanka

Heemaaln

“Xeerkan Looma Samayn Somaliland,Xasan Sheekh-na wax-ba kama Badali-karo Bada Aanu Iibinay..” Gud.Faysal.

Heemaaln

Xildhibaanada Ingiriiska Ee Aqoonsiga Somaliland ku Raad jooga Oo Baarlamaanka lagu Qaabiley

Heemaaln