Heemaal News Network

Samia Suluhu Oo Libaax Qeylo Badan Ugu Magacdartay Hoggaamiye Mucaarad ku ah

Madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Hassan, ayaa hoggaamiye mucaarad ku ah si weyna u dhaliila siyaasadeeda ugu magacdartay Libaax qeylo badan oo ay ku booqatay goob xayawaanka duurjoogta ah lagu xanaaneeyo.

Samia Suluhu ayaa marka ay tagtay beerta duurjoogta lagu xanaaneeyo ayaa waxa ay aragtay Libaax aad u ciyaya una qeylinaya, waxa ayna weydiisay dadkii beerta joogay in Libaaxa magac leeyahay, waxa ayna u sheegeen in uusan magac laheyn , waxa ayna amartay in loogu magacdaro Tundu Lissu.

Madaxweynaha dalka Tanzania ayaa sheegtay in sababta Libaaxan ugu magacdartay hoggaamiyaha mucaaradka ay tahay in uu yahay in aan daganeyn oo mar walbo qeylo badan, waxa ayna xustay in Libaaxan qeylada badan iyo Mr Tundu isku mid yihiin.

Mar ay warbaahinta wax ka waydiisay hoggaamiyaha mucaardak ah Tanzania Mr Lissu sida uu u arko ficilka madaxwaynaha waxaa uu yiri “Waxaan ka soo jeedaa qoys geesiyaal ah,” “Awoowgay ayaa dilay libaax soo weeraray isaga iyo lo’diisii,” ayuu intaa ku daray.

Hoggaamiyaha mucaaradka ah ku ah Madaxweynaha dalka Tanzaaniya ayaa la xiray horraantii sannadkan , kaddib markii abaabulay bannaabax ay dhigayeen dhallinyaro, waxaana lagu eedeeyay in uu abuuray rabsho iyo isku dhacyo.