Heemaal News Network

Saraakiil Cusub Oo loo Magacabaay Ciidanka Daraawiishta SSC

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Saraakiil cusub u magacaabay taliska ciidanka daraawiishta maamulkaas

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali,

Markuu arkay, Qodobada 6aad iyo 14aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo.

Ku qancay aqoonta iyo khibraddooda.

-Tixgeliyay baahida loo qabo dhammaystirka iyo dib-u-habaynta Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo isla markaana sameeyey la tashiyo, waxa uu Xeer hoggaamiye 30/2025 ku magacaabay saraakiishan magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:-

1-S/Guuto Yuusuf Cabdillaahi Jaamac (Quuje) Hoggaanka Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo G/Sare Asad Cali duullanne

2-Taliyaha qaybta 25aad Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo G/Sare Farxaan Maxamuud Jaamac

3-Taliyaha Qaybta 6aad Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo G/Sare Cabdisalaan Yuusuf Muuse (Siigaale) Taliyaha Qaybta 12aad ee Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha ayaa Saraakiishan Ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.