Wasiirka ayaa ka waramay waajibaadka ciidamadan ka saaran sugida amniga iyo difaaca dalka oo uu xusay iney tahay howlaha ay u xilsaaran yihiin oo Qaranku uga fadhiyo
“Waxaa naga go’aan dhismaha ciidan tayo iyo tababar wanaagsan leh, kuna filan difaaca Diinta, Dadka iyo Dalka,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xusay in dib u dhiska ciidanka Qaranka uu haatan marayo halkii ugu wanaagsaneyd muddo sanado ah, ayna mar aan fogeyn dowladu la wareegi doonto si buuxda amniga dalka iyo xuduudihiisa.