Heemaal News Network

Sargaal ka Tirsanaa Al Shabaab oo is dhiibay iyo ajaaniib la qabtay

Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab in muddo ahna u dagaallamayay, ayaa kasoo goostay kooxdaasi, waxa uuna isku soo dhiibay sargaalkaasi ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Hirshabelle ee ku sugan deegaanka Farlibaax ee katirsan gobolka Hiiraan.

Horjooge Aaden Raabbi Cabdullaahi , ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu kasoo baxo kooxda Al Shabaab uu katirsanaa, waxa uuna sheegay in kooxdaasi dhaxdooda ka jiraan dhibaatooyin badan ayna ka been sheegeen diinta sida uu tilmaamay.

Ninkan ayaa sheegay in uu u adkaysan waayay tacaddiyada iyo dhibaatooyinka gurracan ee ay shacabka ku hayaan Al Shabaab, wuxuna xusay in ay ballamo hore ugu baxeen taasi beddelkeedana ay kula kaceen dayac iyo handedaad joogta ah.

Dhinaca kale guddoomiyaha deegaanka Farlibaax Axmed Aaden Xasan, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka gacanta kusoo dhigeen labo nin oo ajanaiib ah, kuwaa oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, ajaaniibtan la qabtay ayaana kasoo jeeda dalka Itoobiya.

Saraakiisha iyo dagaalyahannada Al Shabaab ee kasoo goosanaya iskuna soo dhiibaya ciidanka dowladda ayaa muddooyinkii dambe sii kordhaya , dowladda ayaana marar badan ugu baaqday xubnaha katirsan Al Shabaab in ay kasoo baxaan kooxdaasi iskuna soo dhibaan dhankooda, si loo cafiyo.