Heemaal News Network

Sargaal Sare Oo ka Tirsanaa Qunsuliyada Itoobiya Ee Garoowe Oo Lagu Dilay Laascaanood

Faarax Caydiid Jama oo kamid ahaa saraakiisha Qunsuliyada Itoobiya ee Garoowe ahaana Khabiir dhinaca amniga ah, ayaa xalay lagala baxay Hoygii uu ka daganaa magaalada Laascaanood ee xarunta SSC-Khaatumo, waana la dilay.

Meydkiisa ayaana laga helay Dooxada Ceelka Goojacade oo lagu tuuray, iyadoo ay xabado kuyaalan lagana qaatay mobiladiisii lana jirdilay kahor inta aan ladilin.

Sida ku cad warqada magacaabida oo ay heshay warbaahinta, Jaamac ayaa ku magacawnaa la socodka iyo caawinta dadka Itoobiya ee safarka ah.

Maamulka SSC KHAATUMO, ayaan ilaa hadda waxba Tafaasiil ah ka bixin dilkan.