Heemaal News Network

Saudia Arabia Oo Shaciyay iney Beri ay tahay Maalinta 1aad Ee Bisha Ramadaan

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in beri oo Isniin ah ay noqoneyso maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan, kaddib markii magaalooyin ka mid ah Sacuudiga laga arkay bisha.

Guddiga culimada ee u qaabilsan Boqortooyada Sacuudiga xaqiijinta bisha Ramadaan ayaa shaaciyay in beri ay tahay Soon ayna caawa bilaabaneyso dukashada salaada taraawiixda.

Qaar kamid ah waddamada caalamka ayaa beri laga soomi doonaa, waxaana waddamada qaar wali wadaan xaqiijinta in beri ay u tahay maalinta koobaad ee bisha Ramadaan.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ayaan wali war kasoo saarin curashada bisha Ramadaan, waxaana loo badinayaa in wasaaradda ku dhawaaqdo in beri soon tahay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Waraabe: Muqdisho Dad La Martiyo Ma Joogaan, Kal Xishoodana Malaha Ee,,,

Heemaal

Maydka Marxuum Cabdinaasir oo Hargeysa si balaadhan loogu qaabiley saaka

Heemaaln

“Diintayda ayaa Maanta la Iicaayay..” Af-hayeenkii Darbi jiifka Hargeysa Oo Maayir Mooge Dartii isu Casilay

Heemaaln