Heemaal News Network

(Sawirro) Sidee u Socotaa Doorashada Madaxtinimada Mareykanka?

Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa maanta oo Talaado ah u dareeray goobaha ay yaalaan sanaadiiqda codadka, si ay u soo doortaan madaxweynaha xakumi doona dalkan afarta sano ee soo socota.

Doorashadan taariikhiga ah ayaa waxaa si adag ugu loolamaya madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga, iyo madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka ee xilligan, Kamala Harris oo ka socota xisbiga Dimoqraadiga.

Dad kor u dhaafaya 81 milyan oo qof, ayaa horay codkooda uga dhiibtay doorashada madaxtinimo ee Mareykanka.

Natiijooyinka doorashada Mareykanka ayaa mararka qaar lagu dhawaaqaa saacado gudahood marka ay codbixintu xiranto, balse sanadkan tartanka uu muujinaya inay aad isugu dhaw yihiin ayaa la macno ah in la sugo waqti dheer.

Qaar ka mid ah tartamada madaxweynanimada qofka ku guulaysta waxa la shaaciyaa goor dambe oo habeenka isla maalintii ay doorashadu dhacday, ama subaxa hore ee xiga. Markan, tartanka ciriiriga ah ee gobolo badan ayaa macnaheedu noqon karaa in warbaahintu ay sugaan waqti dheer ka hor inta aysan shaacin cidda guuleystay.

Guud ahaan dalka, codbixinaha ugu horreeysa waxa ay xirmi doonaan 6-da maqribnimo xilliga maxallig ah Talaadada maanta ah, codbixinada ugu dambeeyana waxa ay xirmi doonaan 01:00 xilliga Mareykanka oo ku beegan subaxnimada Arbacada.

Laakiin tartankan ayaa isha aad loogu hayaa toddobo gobol oo isbedbeddela ee cidna ku Tashan karin kuwaas oo khubaradu aaminsan yihiin in ay si macquul ah ugu guulaysan karaan Harris ama Trump. Kuwani waa Arizona, Georgia, Michigan, Nevada, North Carolina, Pennsylvania iyo Wisconsin. Codbixinta gobolladan ayaa waxay xirmeysaa saacado kala duwan.